|
Muqdishu,(insidesomalia.org)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa'id oo dhinac badan taabanaya ku qabtey Xafiiskiisa ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu sheegay sicir bararka ka jira dalka ay sababeen dhoofinta lagu hayo kheyraadka Dalka, isagoona intaa ku daray in markii dhibaatooyinkaas dalka uu faraha la galay uu kala shiray Golihiisa Wasiirada.
Mr Nuur Cadde ayaa sheegay in ay joojiyeen wax alaale wixii kheyraadka dalka ah ee la dhoofinayay, sida Digirta, Galleyda, Sisinta iyo Dhuxusho, kuwaasoo uu sheegay markii dhoofinta lagu bilaabay inuu ku keenay sicir barar baahsan oo dalka oo dhan saameeyay.
Waxa uu Ra'iisul Wasaaruhu sheegay in muddo sadex bilood ah aan Dekeda laga dhoofin karin Raashinka Qutul Daruuriga ee Bulshada u baahan, isla markaana sababay sicir bararka.
“Shacbiga Soomalaiyeed wax kasta way u nugul yihiin, sidaas darteed Golaha wasiiradda dawladda federaalka Soomaaliya waxaa ay aad iyo aad u falanqeeyeen dhibnaatooyinka haysta shacbiga , Markii uu dhinac kasta arinta ka eegay waxaa u soo shaac baxday in ay jiraan waxyaabao sii kaabay sicir bararkaas oo gaarsiiyay xaaladda maanta uu taagan yahay kuwaasi oo ah, lacagaha sharci daradda ah, oo aad iyo aad u soo batay dabacaadeeddana ay ka imaaneyso dalka gudihiisa iyo dibadiisaba taas oo loo arkay in ay tahay sababta ugu weyn ee abuurtay sicir bararka ka shaacay dalka “ ayuu yiri Ra’iisul wasaare Nuur Cadde.
Dhinaca Kale Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa ka hadlay Maleeshiyada beeleedyada ay ilaalada ka dhigteen Mas'uuliyiinta Dowladda, waxaana uu sheegay in aysan jiri doonin Maleeshiyo Beeleed oo ilaalineysa Mas'uul ay qaraabo yihiin.
Wuxuu sheegay in Ciidamada la qarameyn doono, isla markaana tababar iyo wacyi gelin lagu sameyn doono, si ay u noqdaan Ciidan isku dhaf ah oo la qarameeyo, taasoo uu sheegay in ay iminka meel wanaagsan mareyso.
Mr Nuur Cadde ayaa sidoo kale xusay in Howlihii dib u heshiisiinta iyo nabadeynta ay mareyso meel aad u wanaagsan, isagoona soo dhoweeyay tanaasulka Kooxaha Mucaaradka ay sameeyeen.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa labo u kala qaaday Kooxaha Mucaaradka, kuwo waxa uu kusheegay in ay nabada jecel yihiin, halka kuwa kalena uu tilmaamay in ay dagaalo wadaan.
"Waxaana leenahay inta dagaalka wadda in dhinac loogaga soo wada jeesto waxaana uu sheegay in dhawaan nabad loo dhan yahay la wada gaari doono"ayuu yiri Mr Nuur Cadde.
Hadalka Nuur Cadde ayaa ku soo beegmaya, xilli Dagaalo qaraar oo galay maalintii labaad ay ka dhacayaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha Kacdoonka.
|